Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay safiirrada iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Muqdisho, isaga oo la wadaagay horumarka dowladda iyo xaaladda guud ee dalka.
Kulankan ayaa yimid xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo dardargelinta dib u dhiska dowladnimada, iyadoo ay weli jiraan caqabado la xiriira dhinacyada amniga iyo xaaladaha bani’aadannimo.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu danjireyaasha la wadaagay guulaha ay dowladda sheegtay inay ka gaartay dhinacyada amniga, hirgelinta doorashooyinka tooska ah, la dagaallanka Al-Shabaab, gurmadka abaaraha iyo xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.


