Mombasa (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 15 dal oo saxiixay Baaqa Mombasa, oo ah heshiis lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee la-dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah, kor u qaadista daahfurnaanta kalluumaysiga iyo wadaagga xogta maraakiibta. Baaqan ayaa la saxiixay intii uu socday Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean Conference (OOC11) oo lagu qabtay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Soomaaliya waxaa shirka uga qayb galay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo khudbad uu ka jeediyay shirka ku sheegay in baddu ay laf-dhabar u tahay dhaqaalaha iyo mustaqbalka Soomaaliya. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee ilaalinta badaha iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah.
Dalalka saxiixay Baaqa Mombasa ayaa isku raacay inay xoojiyaan isla-xisaabtanka, maareynta waarta ee khayraadka badda iyo la-dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah, oo lagu qiyaaso inuu dunida ku khasaariyo balaayiin doollar sannad kasta.