Muqdisho (Dawan)- Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid doorashada Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac loogu doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaddib doorasho maanta ka dhacday xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeed uu Golaha soo saaray maanta oo Isniin ah kuna beegan 10-ka Agoosto, ayuu ku sheegay in uusan aqoonsanayn doorashada, isagoo ku tilmaamay “doorasho-ku-sheeg” lagu sameeyay guddoomiye uu muddo-xileedkiisu dhammaaday.
Golaha ayaa sidoo kale sheegay in muddo-xileedka dastuuriga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku ekaa 14-kii Abriil 2026, sidaas darteedna uu Baarlamaanku waayay sharciyadda dastuuriga ah iyo siyaasadeed ee uu ku dooran karo guddoomiye cusub.
Golaha ayaa doorashada ku tilmaamay isku day lagu doonayo in lagu maareeyo doorashooyinka soo socda ee Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha, isagoo sheegay in aan la aqbali karin in hannaan doorasho lagu saleeyo hal dhinac.