Muqdisho (Dawan ) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa diiday doorashada la isku khilaafsan yahay ee ka dhacday Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed , iyadoo ku tilmaamtay mid sharci-darro ah oo ka hor imaanaysa dastuurka dalka iyo heshiisyada doorashooyinka.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta caawa Sabti ah, ayay dowladda si adag u cambaareysay doorashada la isku khilaafsan yahay ee ka dhacday magaalada Baydhabo, iyadoo ku tilmaantay “hannaan hore loo sii qorsheeyay oo sharci-darro ah” oo aan ka turjumeyn rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed.
Wasaaradda ayaa sheegtay in doorashadaasi ay jebisay heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka, xeerarka doorashada iyo qodobbada dastuurka ee hagaya nidaamka siyaasadeed ee dalka.
“Waxaa cad in waxa dhacay aysan ahayn doorasho xalaal ah, balse uu yahay isku day lagu marin-habaabiyay geeddi-socodka dimuqraadiyadeed laguna meel-marinayo natiijo hore loo sii go’aamiyay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.


