Muqdisho (Dawan)— Xisbiga mucaaradka ah ee Himilo Qaran ayaa Jimcihii soo jeediyay in dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo dhinacyada siyaasadda ay heshiis ka gaaraan qorshe mideysan oo lagu sugayo amniga Soomaaliya. Soo jeedinta ayaa qayb ka ahayd war-saxaafadeed ka koobnaa 12 bog, oo la soo saaray kadib shir laba maalmood socday oo xisbigu yeeshay 17-kii iyo 18-kii Sebtembar. Xisbiga ayaa sheegay in xubnihiisa gudaha iyo dibadda ay kulanka kaga arrinsadeen xaaladaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada.
“Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo qaybaha siyaasadda isku diiddan [waa inay] heshiis rasmi ah ka gaaraan, iyadoo danta qaranka laga hormarinayo danta gaarka ah, isla markaana la dejiyo qorshe amni oo wadajir ah oo lagula dagaallamayo argagixisada,” ayuu xisbigu ku sheegay war-saxaafadeedka.
Himilo Qaran ayaa sheegay in qorshuhu mudnaanta siinayo la-dagaallanka Al-Shabaab, ilaalinta shacabka iyo xoojinta maamulka, caddaaladda iyo adeegyada laga bixiyo deegaannada laga saaro kooxda.
Xisbigu wuxuu sidoo kale ku baaqay in dhimista ama bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM lagu saleeyo awoodda dhabta ah ee ciidamada Soomaaliya iyo xaaladda amniga dalka. Waxa uu ka digay in kala-guur aan si wanaagsan loo qorsheyn uu abuuri karo firaaq amni oo ay ka faa’iideystaan kooxaha hubeysan.