Jabuuti (Dawan) –Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jabuuti (MERN) ayaa shalay oo Axad ah martigelisay shaqo howleed lagu ansixinayay Qorshaha Qaran ee Tamarta 2026–2035, iyada oo kaashanaysa Bangiga Adduunka, Barnaamijka Mission 300, iyo Bangiga Horumarinta Afrika, sida ay warisay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Munaasabadda oo ka dhacday Hotel Ayla Grand, waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan Wasiirka Tamarta Dr. Djama Mohamed Hassan, Wasiirka Maaliyadda iyo Warshadaha Ilyas Moussa Dawaleh, Wasiirka Miisaaniyadda Ismaaciil Ibraahim Robleh, Wasiirka Arrimaha Bulshada Ouloufa Ismail Abdo, iyo madax ka socday hay’adaha UNIDO, SIDA iyo Mercy Corps.
Qorshahan tamareed oo lagu qiyaasay $1.7 bilyan (qiyaastii 310 bilyan FDj) ayaa loogu talagalay in Jabuuti ay ku noqoto dal madax-bannaan dhinaca tamarta, iyadoo la kordhinayo isticmaalka tamarta nadiifka ah, lana yareynayo ku tiirsanaanta shidaalka dibadda, isla markaana la hubinayo helitaanka tamar ay dadwaynuhu awoodi karaan kharashkeeda.
Qorshahan cusub waxa uu ku salaysan yahay shan tiir oo muhiim ah:
1. Horumarinta kaabayaasha tamarta la tartami kara si loo gaaro 220 MW oo tamar nadiif ah sanadka 2030 iyo 100% sanadka 2035.
2. Isdhexgalka gobolka iyo ka qaybgalka suuqa EAPP si loo xoojiyo ammaanka tamarta iyo dhimista kharashyada.
3. Helitaanka tamarta meel walba iyo karinta nadiifka ah, iyadoo la gaarayo 100% koronto iyo 50% helitaanka karinta nadiifka ah sanadka 2030.


