Muqdisho (Dawan) — Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur (Americo), ayaa faahfaahin ka bixiyay xiriirka tooska ah ee ka dhexeeya Dekedda Muqdisho iyo kooxda kubadda cagta ee Dekedda, isagoo ku tilmaamay kooxda mid ka mid ah kooxihii ugu taariikhda dheeraa uguna guulaha badnaa kubadda cagta Soomaaliya.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayaa Maareeyuhu ku sheegay in kooxda Dekedda, oo waqtiyadii hore loo aqoon jiray “Badda”, ay qaadday koobab badan, isla markaana ay door muuqda ka qaadatay matalaadda Soomaaliya ee tartamada Afrika iyo Carabta ee heerka kooxaha.
Maareeyaha ayaa xusay in guulahaas ay saldhig u noqdeen sumcadda ay kooxda Dekedda ku leedahay gudaha iyo dibadda, taasoo ka dhigtay astaan ka mid ah taariikhda kubadda cagta Soomaaliyeed. Waxa uu intaa ku daray in maamulka dekedda ay ka go’an tahay dib-u-soo-nooleynta doorkii taariikheed ee kooxda.
Isagoo ka hadlaya qorshayaasha horumarineed, Maareeyaha Dekedda Muqdisho ayaa sheegay in uu isagu yeeray ciyaartooydii hore ee kooxda si ay khibraddooda ugu biiriyaan jiilka cusub.
"Aniga ka maamul ahaan waxaan u ballanqaaday inaan ka warqabi doono, iyagana ay kooxda hadda jirta oo dhallinyarada ah la shaqeeyaan oo wixii ra'yigooda ah siiyaan" ayuu yiri.
Maareeyuhu waxa uu sidoo kale caddeeyay in kooxda Dekedda ay si rasmi ah u hoos timaado maamulka Dekedda Muqdisho, isla markaana aysan ahayn oo kaliya koox kubadda cagta ah.





