Muqdisho ( Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa kulan muhiim ah la yeelan doona hoggaamiyayaasha mucaaradka ee ku sugan Muqdisho, kaasoo lagu wada hadlayo arinta xiisadda dhalisay ee aqoonsiga Israa’iil u siiday Somaliland.
Kulankan oo ka dhici doona Madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga gol leeyahay in la xaqiijiyo mowqif mideysan oo dowladda iyo mucaaradka ah, kaasoo difaacaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Ilo ka tirsan Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in kulanka lagu adkeyn doono mowqifka mideysan ee dalka, iyadoo mucaaradka iyo xukuumaduba ay ka soo saari doonaan taageero buuxda oo ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya iyo ka hortagga qorshayaasha Israa’iil ee lagu doonayo in lagu wiiqo midnimada dalka.







