Nairobi (Dawan)- Shaqaalaha nadaafadda ee Dowladda Hoose ee Nairobi ayaa dib ugu laabtay xaafadda Islii (Eastleigh) si ay u dhammaystiraan nadiifinta biyo-mareennada xiran, iyadoo magaalada loogu diyaargaroobayo roobabka El Niño oo laga cabsi qabo inay sababi karaan fatahaado, sida uu sheegay wargeyska The Eastleigh Voice.
Arbacadii, 7-dii Oktoobar, kooxda loo yaqaan Green Army ayaa ka shaqaysay Waddada Waudo ee xaafadda California, halkaas oo ay si qoto dheer uga qodeen biyo-mareennada, kana saareen dhoobo iyo qashin ka haray hawl nadiifin ah oo hore loo sameeyay. Shaqaalaha ayaa dib ugu laabtay goobta kadib markii dadka deegaanka ay ka cabteen in hawshii hore aan si buuxda loo dhammaystirin.
Ciidamada dowladda hoose ayaa sidoo kale xiray dhowr haween ah oo waddada ku lahaa maqaayado yaryar. Haweenka ayaa lagu eedeeyay inay qashin ku shubeen biyo-mareennada, halka qaar ka mid ah dhismayaashooda ay u fidsanaayeen dhinaca biyo-mareennada. Dhismayaal kale oo ku yaallay hareeraha waddada ayaa hore loo dumiyay.