Soomaaliya (Dawan) – Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay nin lagu magacaabo Maxamed Axmed Maxamed, kaas oo lagu eedeeyay inuu si ula kac ah u xiray bullaacadaha biyaha qaada ee ku yaalla waddada 21-ka Oktoobar, gaar ahaan agagaarka Enza Home ee magaalada Muqdisho.
Sida uu sheegay Booliisku, eedeysanaha ayaa lagu tuhunsan yahay inuu bullaacadaha ku xiray caagado 20-litir ah oo biyaha laga cabo, taasoo carqaladeysay qulqulka biyaha roobka isla markaana sababtay fatahaad iyo hakad ku yimid isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala waddada.