Soomaaliya, 17 Nofeembar 2025 — Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA) iyo Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed (SONSA) ayaa maanta kala saxiixday heshiis wadashaqeyn oo lagu xoojinayo iskaashiga ku aaddan wacyigelinta iyo ka qaybgalka bulshada ee barnaamijka Aqoonsiga Qaranka.
Munaasabadda lagu saxiixay heshiiskan ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee NIRA ee Muqdisho, waxaana kala saxiixay Maareeyaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde), iyo Guddoomiyaha SONSA, Cusmaan Muxyadiin Macallim (Shaatax).
Maareeyaha NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle, ayaa sheegay in iskaashigan uu muujinayo sida ay hay’addu uga go’an tahay la shaqeynta bulshada rayidka ah si loo xoojiyo kalsoonida shacabka ee nidaamka Aqoonsiga Qaranka. Wuxuu xusay in SONSA ay door muhiim ah ka ciyaari doonto gaarsiinta wacyigelinta iyo fududeynta fahamka muhiimadda diiwaangelinta iyo xaqiijinta aqoonsiga muwaadiniinta.
“Maareeyaha ayaa sheegay in Ururrada Bulshada Rayidka ahi ay si mug leh uga qayb-qaataan dadaallada wacyigelin ee ku aaddan diiwaangelinta dadweynaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay NIRA.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Dalladda SONSA, Cusmaan Muxyadiin, ayaa soo dhoweeyay iskaashigan, isagoo carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee bulshada rayidka ah ku leedahay dhismaha dowladnimo iyo gaarsiinta adeegyada bulshada.
“WaxaA run ahaantii Bulshada Rayidka soo jeedineysa in bixinta adeegyada aqoonsiga qaranka, sida shahaadada aqoonsiga, ay noqoto mid sii weyn u fududeysa howlaha muhiimka ah ee lagama maarmaanka ah, awoodna u siinaysa muwaadinka,” ayuu yiri Guddoomiye Cusmaana







