Hiiran 17 December 2025 (Dawan) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in 9 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab in lagu dilay duqeyn cirka ah oo laga fuliyay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, iyadoo howlgalkan lagu tilmaamay mid qorsheysan oo xog sirdoon ay horseeday.
War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dagaalka ay Dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab, iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah. Duqeynta ayaa sidoo kale lagu burburiyay goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanada, sida NISA ay sheegtay.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu hore u sheegay in dowladda ay xoogga saari doonto duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, oo ay ku jirto AUSSOM, ayaa sanadkan fuliyay in ka badan 220 duqeyn cirka ah, taas oo lagu dilay 52 hogaamiye oo ka tirsan ururka, sida uu Baarlamaanka uga warbixiyay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi.







