Muqdisho (Dawan)– Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa ciidan hubeysan oo ay sheegtay inay amar ka qaataan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ku eedeysay inay weerarro hubeysan ku qaadeen ciidamada Ilaalada Shacabka ee ka howlgala Laanta Koowaad ee Waaxda General Daa’uud, degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay NISA maanta soo saartay, ciidamada soo qaaday weeraraka ayaa isku dayay inay ciidamada amniga ku qasbaan iska horimaad hubeysan. Hay’addu waxay sheegtay in caddeymaha ay uruurisay ay muujinayaan in ciidan ku hubeysan qoryaha AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir.
NISA waxay sheegtay in ciidamadeedu ay ka gaabsadeen inay hub u adeegsadaan maleeshiyaadkaas, si looga hortago iska horimaad hubeysan iyo waxyeello soo gaarta dadka rayidka ah. Hay’addu waxay sidoo kale ciidankan ku eedeysay inay 24-kii Juun 2026 weerar ku qaadeen ciidamada Ilaalada Shacabka, xilligaas oo, sida ay sheegtay NISA, la afduubay askari ka mid ahaa ciidamadii gudanayay waajibaadkooda. Saddex maalmood kaddib, 27-kii Juun, ayay hay’addu sheegtay in ciidankaas ay mar kale hor istaageen howlaha amni ee ciidamadu ay ka wadeen Waaxda General Daa’uud.