Muqdisho (Dawan) – Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidamadeeda, oo kaashanaya saaxiibo caalami ah, ay fuliyeen howlgallo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu dilay 19 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo ay ku jireen horjooge sare.
War-saxaafadeed ay NISA soo saartay ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad uu ka dhacay deegaanka Geel-gub ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo, sida ay hay'addu sheegtay, Al-Shabaab ay ku uruurinaysay dagaalamayaal isla markaana u adeegsanaysay abaabulka iyo qorsheynta weerarro. NISA waxay sheegtay in weerarro isdaba joog ah lagu beegsaday fariisimihii kooxda, kuwaas oo lagu dilay 12 xubnood, laguna burburiyay fariisimo iyo gabaadyo ay kooxda adeegsanaysay.
Howlgalka labaad ayaa, sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, ka dhacay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu bartilmaameedsaday xarun ay kooxda u adeegsanaysay kaydinta hubka. NISA waxay sheegtay in howlgalkaas lagu dilay toddobo xubnood oo kale, kuwaas oo uu ku jiray horjooge lagu magacaabo Faaruuq, kaas oo hay'addu sheegtay inuu mas'uul ka ahaa kaydinta hubka.