Muqdisho (Dawan) — Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in Cabdullaahi Xaashi Labajir, oo loo yaqaannay “Ikhlaas”, laguna tilmaamay inuu Madaxa Guud ee Sirdoonka Al-Shabaab, in lagu dilay duqeyn 23-kii Agoosto ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
"Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya iyo Saaxiibada caalamka oo 23-kii Agoosto ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay Cabdullaahi Xaashi Labajir (Ikhlaas), oo ahaa Madaxa Guud ee Sirdoonka Maleeshiyaadka ee Khawaarijta" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay NISA
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay NISA, duqeynta ayaa qeyb ka ahayd howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidamada hay’adda iyo saaxiibada caalamka.