Addis Ababa, 14 Febraayo 2026 (Dawan) –Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika oo maanta ka bilaawday xarunta uuruka ee Addis Ababa, isaga oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan saamaynta aqoonsiga Israa'iil ee Somalilland, doorashadii ka dhacday gobolka Banaadir iyo amniga guud ee dalka.
Marka hore Xasan Sheekh waxa uu u hambalyeay Madaxweynaha Burundi, Évariste Ndayishimiye, oo la wareegay xilka shir guddoonka Midowga Afrika, isla markaana wuxuu ku bogaadiyay Madaxweyne João Lourenço hoggaamintiisii 2025.
Madaxweyne Xasan ayaa kaddib diradda saaray go'aanki ay Israa'iil ku aqoonsatay Somaliland dhamaadii bishii December ee lasoo dhaafay, isaga oo bogaadiyay sida ay uga falceliyeen dowladaha Midowga Africa kuna muujiyeen taageerada joogtada ah oo ku saabsan midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyadoo la raacayo Qodobka Aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa si cad uga hadlay tallaabooyinka Israa’iil ee uu sheegay inay xad-gudubayaan madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ficilladan ay si toos ah u jebinayaan mabda’a aasaasiga ah ee Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka ka tarjumaya difaaca madaxbannaanida iyo xurmaynta xuduudaha.
Madaxweynaha ayaa dhnaka kale iftiimiyey guulaha Soomaaliya ee dhanka diblomaasiyadda iyo ka qaybqaadashadeeda arrimaha caalamiga ah, gaar ahaan xubinada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah xasiloonida iyo amniga dalka.
Waxa uu intaas raaciyay in Soomaaliya, oo ka mid ah xubnaha A3 ee Afrika isla markaana dhawaan soo gabagabeysay guddoominteedi Golaha Ammaanka, inay ka go’an tahay inay xoojiso isku-duwidda xubnaha Afrika si qaaraddu ugu hadasho cod midaysan oo mabda’a ku dhisan.







