Dawan TV, oo ka mid ah warbaahinta madaxa bannaan ee ugu horreysa Soomaaliya, ayaa ballaarinaysa qaybteeda wararka iyo soo saarista barnaamijyada ee magaalada Muqdisho. Waxaannu raadinaynaa xirfadlayaal karti leh oo xiiseeya saxaafadda si ay nooga caawiyaan soo saarista warar iyo barnaamijyo tayo leh oo madax bannaan, kuwaas oo gaara daawadayaal badan gudaha iyo dibadda Soomaaliya.
Boosaska Furan:
• Wariyayaal: leh xirfad wanaagsan oo qorista, hadalka iyo tabinta ah, kuna hadla af-Soomaali iyo af-Ingiriisi.
• Muuqaal duubayaal / sameeyayaal: leh khibrad farsamo oo muuqata oo ku saabsan duubista, tafatirka, iyo isticmaalka qalabka casriga ah ee warbaahinta.
Shuruudaha:
• Leh Khibrad hore oo la xiriirta saxaafadda, warbaahinta ama wax u dhigma (waa la tixgelinaa).
• Xiise xooggan u qaba wararka, siyaasadda, iyo arrimaha bulshada.
• Kartida in uu ka shaqeeyo cadaadis iyo waqti xaddidan.
• Ruux hal-abuur leh, wada shaqeyn leh, isla markaana u heellan qiyamka warbaahinta madax bannaan.
Goobta Shaqada: Muqdisho, Soomaaliya
Sida Loo Codsado:
Haddii aad xiisaynayso, fadlan soo dir CV-gaaga iyo warqad kooban oo codsi ah (cover letter) cinwaankan: info@dawan.so kahor waqtiga kama dambaysta ah ee codsiga.
Ku soo biir Dawan TV oo ka mid noqo koox firfircoon oo dib u qoraysa mustaqbalka warbaahinta Soomaaliyeed.



