Mooyaale (Dawan) – Musharraxiinta Xisbiga Barwaaqo uga sharraxan degmooyinka gobolka Daawa ayaa gaaray magaalada Mooyaale, iyagoo halkaas ka bilaabaya ololahooda doorashada ee gobolka.
Wafdiga musharraxiinta waxaa hoggaaminayay Afhayeen ku-xigeenka Golaha Xildhibaannada Dowlad Deegaanka Soomaalida, Ibraahin Xasan. Waxaa sidoo kale wafdiga ka mid ahaa Wasiirka Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka , Maxamed Cali, iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka heer deegaan.
Musharraxiinta, waxaa Mooyaale ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Daawa, oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka, Abshir Xasan Abshiro, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka iyo degmada, hoggaanka iyo kooxaha dhaqanka.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, musharraxiinta Xisbiga Barwaaqo ayaa gobolka Daawa u tagay fulinta barnaamijka ololaha xisbiga, kaas oo ka socda guud ahaan Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Inta ay ku sugan yihiin gobolka, musharraxiinta ayaa la filayaa inay qabtaan kulamo fagaare ah oo ay la yeeshaan taageerayaasha Xisbiga Barwaaqo, iyagoo kala hadli doona guulaha uu xisbigu sheegay inuu gaaray, hirgelinta mashaariicda horumarineed, iyo dhameystirka ballanqaadyadii hore ee xisbiga.


