Soomaaliya (Dawan)– Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u daahfurtay ololaha wacyigelinta xujayda Soomaaliyeed ee sanadkan, kaas oo loogu talagalay in lagu hubiyo in xujayda ay si badbaado leh, caafimaad qabta, isla markaana waafaqsan shuruucda Islaamka u gutaan waajibaadkooda xajka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta, Ibraahim Nadaara, ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay talaabo cusub oo ka dhalatay duruus laga bartay xajkii hore, isla markaana xooga saaraya in xujayda Soomaaliyeed ay waajibaadkooda u gutaan si hufan, iyagoo caafimaadkooda ilaalinaya, laga bilaabo Soomaaliya ilaa Sacuudiga.
"Ololahaan waxa uu ka bilaabanayaa wadankeena Soomaaliya ilaa Sacuudiga ilaa laga soo laabtana sidaas ayay kolba maqaamka iyo booska la joogo iyo fariinta ku haboon xaajiga ama xaajiyadda Soomaaliyeed ay heli doontaa ama ay gaari doonaa sida ugu fudud” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta, Ibraahim Nadaara
Ololaha wacyigelinta ayaa ka kooban muxaadarooyin gaar ah iyo muuqaallo talooyin caafimaad iyo axkaamta xajka, waxaana loo qorsheeyey in xujayda la siiyo ilaa 100 muxaadaro. Sidoo kale, fariimo gaagaaban ayaa la diri doonaa xujayda si loogu hogaamiyo mar walba maqaamka ay ku sugan yihiin, iyadoo lagu daray talooyin nidaam, adaab, iyo cibaadooyin muhiim ah.







