Japan (Dawan)— Orodyahanka u dhashay Jabuuti, Ibraahim Xasan Buux, ayaa Axaddii ku guuleystay tartanka Maaratoonka Caalamiga ah ee Osaka 2026, kaddib markii uu soo bandhigay orod heer sare ah oo uu ku jabiyay rikoor cusub oo dalka u gaar ah.
Tartankan, oo ka dhacay magaalada Osaka ee dalka Japan, ayaa waxaa ka qaybgalay orodyahanno ka kala socday dalal badan oo caalamka ah, kuwaas oo ku tartamayey hanashada kaalinta koowaad. Si kastaba ha ahaatee, Ibraahim Xasan Buux ayaa si cad uga dhex muuqday tartamayaasha, isaga oo ku dhammeystay waqtigii ugu fiicnaa.
Ibraahim ayaa ku guuleystay tartanka isagoo ku orday 2 saacadood, 5 daqiiqo, iyo 20 ilbiriqsi — waqti loo aqoonsaday rikoor cusub oo muhiim ah.







