Pakistan oo gaashaanka u daruurtay go’aanka Israa’iil ee Somaliland
Islamabad ( Dawan)-Dowladda Pakistan ayaa si kulul u cambaareysay go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, iyadoo ku tilmaantay tallaabo si toos ah u waxyeelleyneysa madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana jabinaysa shuruucda caalamiga ah kana khatar gelinaysa xasilloonida gobolka.
War-saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan soo saartay 27-ka Diseembar 2025 ayaa lagu sheegay in go’aanka Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, iyadoo si gaar ah loo xusay in Somaliland ay weli tahay qayb aan laga goyn karin oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“Pakistan waxay si adag u cambaareyneysaa isku day kasta oo lagu wiiqayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxayna si cad u diiddan tahay ku dhawaaqista ay Israa’iil ku aqoonsatay gobolka Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka rasmiga ah.
Pakistan ayaa sidoo kale ka digtay in tallaabooyinka noocan ah ay yihiin kuwo sharci-darro ah oo kicin kara xiisado siyaasadeed iyo amni, isla markaana khatar weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.






