Kenya, 5 Oktoobar 2025 – Mas'uuliyiin ka socota Puntland iyo Somaliland ayaa gaaray is-afgarad amni iyo dib-u-heshiisiin bulsho ka dib shir laba maalmood socday oo ka dhacay Nairobi, Kiinya, 4-5 Oktoobar, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay kulanka.
Wasiirro iyo saraakiil amni oo ka kala socday labada dhinac ayaa ka qaybgalay shirka oo lagu tilmaamay "wada-hadal taariikhi ah" kaas oo looga hadlay arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga ee gobolka Geeska Afrika.
“Labada dhinac waxay ku heshiiyeen muhiimada nabad waarta si loo soo afjaro dagaalka ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaanada ku xeeran, si dadkii barakacayna ay si nabad ah ugu soo laabtaan guryahooda.” ayaa lagu yiri war-murtiyeed.
Sida lagu sheegay war-murtiyeedka, shirku wuxuu diiradda saaray iskaashiga la-dagaalanka argagixisada, amniga badda, iyo iskaashiga hay’adaha sharciga. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha sida Al-Shabaab, iyo in la xoojiyo dadaallada lagu hortagayo dambiyada xuduudaha ka gudba.
War-murtiyeedka ayaa sidoo kale iftiimiyay muhiimadda ay leedahay dhiirrigelinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta meelaha ay saameysay colaadda dhawaan. Labada dhinac waxay soo dhaweyeen dadaallada nabad-dhiska ee ay hogaamiyaan bulshooyinka deegaanka, waxayna muujiyeen diyaar garowgooda taageerida soo laabashada dadkii barakacay.
war-murtiyeedka waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Puntland ay ammaaneen horumarka Somaliland ee dhinacyada gudaha iyo xasiloonida, halka wakiillada Somaliland ay bogaadiyeen guulaha Puntland ee maamulka iyo amniga.



