Garoowe (Dawan ) – Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Garoowe ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), iyagoo ka wada hadlay xaaladda abaaraha soo noqnoqday, taageerada bani’aadantinimo iyo sidii loo xoojin lahaa gaarsiinta gargaarka dadka nugul.
Wafdiga WFP waxaa hoggaaminayay Agaasime ku-xigeenka Fulinta ee hay’adda, Matthew Hollingworth. Waxaa sidoo kale ka mid ahaa Madaxa WFP ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Madaxa WFP ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adda.
Kulanka ayaa lagu gorfeeyay saameynta abaaraha, yaraanta deeqaha caalamiga ah, daryeelka carruurta, mashaariicda bani’aadantinimo iyo dadaallada lagu gaarsiinayo gargaar dadka ay saameeyeen xaaladaha adag ee nololeed.


