Garoowe (Dawan ) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cidmaan Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay wajiga labaad ee barnaamijka qaybinta biyaha ee loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay gobollada dalka, gaar ahaan Puntland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay mid muhiim ah oo lagu taageerayo bulshada ku dhibaataysan xaaladda abaaraha.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay in wajigii hore ee barnaamijka biyaha uu gaaray deegaano ka tirsan Sanaag, Karkaar, iyo Bari, halka maanta la qaybinaayo 1,710 booyadood oo biyo ah oo loogu talagalay deegaanada ugu nugul ee Puntland.
"Dawladda Puntland iyo shacabkeeda oo iskaashanaya waxay dhexda u xiran doonaan inay u gurmadaan dadkooda," ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka.
Dadaalladaan waxaa si wadajir ah isaga kaashanaya maaulka, ganacsatada, iyo culimada si loo uruuriyo dhaqaale iyo gargaar kale, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu caawinayo dadka ku nool deegaanada ugu nugul abaaraha.





