Garoowe (Dawan ) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa daah-furtay qaab-dhismeed cusub oo sanduuq maaliyadeed oo loogu talagalay dowladaha hoose, kaas oo lagu xoojinayo mashaariicda horumarineed iyo isku-duwidda heerarka kala duwan ee Dowlad Goboleedka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland.
Hindisahan ayaa Arbacadii lagu daah-furay magaalada Garoowe, waxaana gudoomiyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, intii uu socday shir lagu soo bandhigayay siyaasadda Sanduuqa Iskaashiga Dowladaha Hoose iyo sida uu ula jaanqaadayo Sanduuqa Horumarinta Puntland (PDF).
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in qaab-dhismeedkan cusub uu kor u qaadayo wada-shaqeynta u dhexeysa Dowlad Goboleedka iyo dowladaha hoose, isla markaana uu dardargelin doono bixinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed.
“Sanduuqan wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa dib-u-habaynta iyo ballaarinta ilaha dhaqaale ee Puntland, isla markaana wuxuu suuragelin doonaa maalgelin joogto ah oo lagu taageero mashaariicda horumarineed,” ayuu yiri Lugatoor intii uu socday shirka.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo kalsooni ballaaran oo ka timaadda dhammaan dhinacyada si sanduuqu u guuleysto.
