Puntland (Dawan) – Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Puntland, oo kaashaneysa Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya (SSF), ayaa si rasmi ah u qabatay tababbar ku saabsan Xallinta Khilaafaadka iyo Nabad-dhiska, kaas oo ay ka faa’iideysteen 120 dhallinyaro ah oo ka kala socda magaalooyinka Badhan, Boosaaso, Qardho, iyo Garoowe, sida uu sheegay Puntland State TV.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray xirfadaha dhexdhexaadinta, awoodsiinta dhallinyarada, iyo sidii khilaafaadka loogu xallin lahaa si nabad ah, iyadoo ay casharro bixiyeen khubaro ka socday EAST Consulting.
Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Puntland ayaa sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahay qorsheyaasha Puntland ee lagu xoojinayo awoodda dhallinyarada, si ay door muuqda uga qaataan nabad-dhiska iyo xasilinta bulshada.


