Garoowe (Dawan)— Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waddo dib-u-habayn lagu samaynayo xeerarka maalgashiga iyo shirkadaha, iyadoo Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ay soo gabagabaysay kulan lagu qiimeynayay qabyo-qoraallada sharciyada iyo siyaasadaha la xiriira maalgashiga iyo iskaashiga Maamulka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Kulanka oo ka dhacay Garoowe ayaa lagu soo bandhigay qabyo-qoraallada xeerka maalgashiga, xeerka shirkadaha, siyaasadaha la xiriira iyo habraaca iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay (PPP), sida ay sheegtay Wasaaradda Axaddii.
Wasaaradda ayaa sheegtay in kulanku qayb ka ahaa geeddi-socod lagu dhamaystirayo dib-u-eegista xeerka maalgashiga Puntland iyo diyaarinta xeerka shirkadaha, siyaasadaha la xiriira iyo habraaca PPP.
Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland, Ahmed Shire Said, ayaa sheegay in Puntland ay muhiimad siinayso casriyeynta iyo dib-u-habaynta sharciyada iyo siyaasadaha la xiriira maalgashiga, isagoo xusay in ujeeddadu tahay horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga khayraadka dabiiciga ah.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in dib-u-habaynta lagu doonayo in lagu fududeeyo maalgashiga gudaha iyo dibadda, iyadoo la abuurayo nidaam sharciyeed oo taageera shirkadaha iyo mashaariicda iskaashiga mamaulka iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.