Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa si adag u cambaareeyay qaadista cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ee saarneed Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay "khalad weyn" oo halis ku ah xasilloonida qaranka isla markaana awood siinaya kooxaha AS iyo Daacish.
Qoraal u uku qoray wasiirka faceboookiisa, ayaa ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuldareysatay dhismaha dowlad mideysan oo ammaan ah 34 sano kadib dagaalkii sokeeye, wuxuuna ka digay in Soomaaliya ay weli khatar u tahay nafteeda iyo adduunka.
"Khalad weyn ayaa ahayd in cunaqabateynta hubka la qaado iyadoo Soomaaliya ay weli kala qaybsan tahay oo ay ku jirto halis ay hubka ugu isticmaali karaan ama ugu wareejin karaan gacmo xun sida AS ama Daacish," ayuu yiri wasiirka.
Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan kaliya ku guuldareysan dhanka mas'uuliyadaha ka dambeeya khilaafka, balse ay si firfircoon u carqaladeysay nidaamka federaalka. Wasiirka ayaa tilmaamay dhacdooyinka ka dhacay Raaskambooni (Jubaland, Diseembar 2024) iyo Dhahar (Puntland, Luulyo 2025), isagoo sheegay in mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, wasiirro, iyo xildhibaano, ay ku lug lahaayeen kicinta kacsanaan gudaha iyo carqaladeynta howlgallada amniga Puntland.
wasiirku waxay sidoo kale cambaareysay waxa ay ugu yeeray qaab hal dhinac ah ee loo wajahay caawinta caalamiga ah iyo taageerada hubka: