Garoowe (Dawan) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Talaadadii ku eedeeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay sare u qaaday xiisad ay sheegeen inay ka taagan tahay magaalada Gaalkacyo, iyagoo sheegay in hub iyo ciidamo la geeyay deegaanno ka tirsan Galmudug oo ku teedsan xadka Puntland.
Qoraal ay Puntland soo saartay ayay ku sheegtay in Dowladda Federaalka ay Talaadadii daabushay hub dheeraad ah oo la geeyay Gaalkacyo, iyadoo ku doodday in hubkaasi loo waday weerar ka dhan ah Puntland. Puntland waxay sidoo kale sheegtay in arrintaasi ay dhalisay iska horimaadyo ka dhacay deegaanno ka tirsan Galmudug, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Dawan si madax-bannaan uma xaqiijin karto sheegashooyinkan.
Puntland waxay ammaantay Galmudug, ciidamada ammaanka iyo shacabka deegaanka, iyadoo sheegtay inay ka hortageen waxa ay ku tilmaantay isku dayo lagu carqaladeynayo amniga. Waxay sidoo kale ku baaqday in laga saaro hubka iyo ciidamada Federaalka ee lagu sheegay inay ku sugan yihiin deegaannada ku dhow xuduudda Puntland.