Soomaaliya, 02 November 2025 — Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhowaaqday in jebinta amarka lagu mamnuucay kalluumeysiga Aargoostada laba bil ka hor ay noqon doonto dambi ciddi lagu helana laga qaadayo tallaabo sharci ah, iyadoo la xaqiijiyay in amarku si buuxda u dhaqan galay, amarkaan lagu mamnuucay kaluumeysiga Aargoosatada ayaa ku eh 31 December.
Wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa, oo shirka jaraa’id qeyb ka ahaa ayaa sheegay in cid kasta oo isku dayda inay ugaarsato ama dhoofiso Aargoostada inta lagu jiro xilliga taranka ee la mamnuucay kalumesigeeda sharicaga la hor keeni doono. Waxa uu sidoo kale ku daray in dadka jebiyay sharciga qaarkood horay loo soo qabtay, halka kuwa kalena lagu raad joogo.
“Cid fasaxday ma jirto. Ciddii lagu qabto jebinta amarka waxaa la horkeeni doonaa sharciga,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.
Sidoo kale, Wasiirka Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa sheegay in go’aanka dowladda uu yahay mid ku saleysan ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland, gaar ahaan xilliga noolaha badda iyo taranka Aargoostada.
“Arrintani waa mas’uuliyad dowladeed oo loo qaaday danta guud. Ma aha arrin dano gaar ah laga leeyahay, waa ilaalinta khayraadka iyo badda,” ayuu yiri Wasiirka deegaanka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire, ayaa asna dhankiisa sheegay in hay’adaha amniga lagu wargeliyay inay fuliyaan amarka, lagana hortago isku day kasta oo lagu dhoofinayo lagu soo kaluumeysanayo Aargoosto si qarsoodi ah.
Dowlad goboleedka Puntland ayaa hore u soo saartay amarkan lagu joojiyay ugaarsiga Aargoostada muddo ku eg ilaa 31 bisha december ee dhamaadka sanadkaan iyo Sidoo kale, in argoosatada aan laga dhoofin karin dekedaha iyo garoomadda Puntland ilaa 30-ka April 2026. kaas oo laga leeyahay u jeedo ah in lagu ilaalinayo taranka iyo joogtaynta Aargosata.

%2520Southwest_State_Security_AlShabaab_Defectors_Nov2025.jpg&w=3840&q=75)
