Garoowe (Dawan)- Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland ayaa ka digtay kororka khatarta burcad-badeedda ee xeebaha Puntland, iyadoo sheegtay in la xoojiyay howlgalada amniga badda kadib xog hordhac ah oo muujinaysa isku dayo lagu soo nooleynayo shabakado hore ugu lug lahaa falalka burcad-badeednimada.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in hay'adaha Puntland ay heleen xog muujinaysa in dhinacyo dibadda ah ay isku dayayaan inay dhaqaale iyo taageero kale siiyaan shaqsiyaad iyo kooxo hore ula xiriiray burcad-badeednimada.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ujeeddada tallaabooyinkaas ay tahay in lagu wiiqo amniga Puntland, lagu dhaawaco sumcadda ay ku leedahay caalamka, isla markaana lagu mashquuliyo dadaallada socda ee lagula dagaallamayo argagixisada.
Hay'adaha ammaanka iyo kuwa qaabilsan ilaalinta badda ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaanno ku saabsan xogtan, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay falal khalkhal gelinaya ammaanka badda.