Soomaaliya, 29 Oktoobar 2025 — Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Kala diray Talaadadii Maxkamadda Ciiddanka Qalabka Sida iyo Dembiyada Culus, isagoo ku sababeeyey cabashooyin soo noqnoqday oo ka yimid hoggaanka maxkamadda iyo baahida loo qabo dib-u-habeyn garsoor.
Qoraalka madaxweynaha ee ku xusan xeerkaan wuxuu tixraacayaa Qodobbada 80(19) iyo 87 ee Dastuurka Puntland, kuwaas oo ay sheegen inuu qeexayo awoodaha madaxweynaha ee maamulidda iyo kormeerka hay’adaha ammaanka. Qoraalka ayaa amray in lakala diro dhammaan guddoomiyeyaasha, garsoorayaasha, iyo dacwad oogayaasha maxkamadda, isla markaana kiisaska dambiyada culus lagu wareejiyo ku meel gaar ahaan maxkamadaha racfaanka Puntland ilaa maxkamad cusub la dhiso. Saraakiisha garsoorka hore in ay ku laabtaan talisyadoodii hore.






