Soomaaliya, 8 Nofeembar 2025 — Dowladda Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday shir degdeg ah oo looga hadlayo xaaladda abaarta daran ee haatan saameysay ku dhawaad hal milyan oo qof oo ku kala nool dhammaan gobollada Puntland, sida uu sheegay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in shirka, oo lagu qaban doono Madaxtooyada Puntland maalinta Isniinta ah, ay isugu imaan doonaan wasaaradaha dowladda, hay’adaha gargaarka gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si loo qorsheeyo jawaab mideysan oo degdeg ah oo lagu badbaadinayo nolosha dadka ay abaartu saameysay.
“Abaartan waxay saamaysay dhammaan gobollada Puntland, waxaana cunto iyo biyo la’aan wajahaya ku dhawaad hal milyan oo qof,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeen Lugatoor. “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan hay’adaha iyo bahda gargaarka in ay si degdeg ah uga jawaabaan baahida dadka.”
Warbixin uu soo jeediyay Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa muujisay in abaarta, oo ka dhalatay afar xilli roobaad oo xiriir ah oo aan roob la helin, ay keentay xaalad nafaqo-darro, biyo la’aan iyo barakac ballaaran oo ka jira gobollada Mudug, Nugaal, Sool, Cayn, Sanaag, Haylaan, Bari, Karkaar, iyo Ras Caseyr.








