Garoowe (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu door ku lahaa dib u soo laba-kacleynta falalka burcad-badeedda ee ka dhacay xeebaha Puntland bilihii la soo dhaafay.
Deni ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda furitaanka kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, isagoo sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu mas’uul ka yahay xaaladaha horseeday soo noqoshada burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Puntland.
“Wuxuu si bareer ah ugu abuuray burcad-badeed xeebaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Puntland,” ayuu yiri Madaxweyne Deni, isaga oo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu arrintaasi u adeegsanayay dano siyaasadeed oo gaaban.
Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in dhacdooyinkii afduubka maraakiibta ee ka dhacay xeebaha Puntland sanadkan ay muujinayaan khatarta sii kordheysa ee amniga badda Soomaaliya iyo dib u soo noqoshada falalkii burcad-badeedda ee mar si weyn looga dagaallamay.