Boosaaso (Dawan) — Maamulka Puntland ayaa qorshaynaya inuu kordhiyo dakhliga ka soo xarooda xeebaha, iyadoo magaalada Boosaaso lagu qabtay kulan looga hadlay horumarinta, ururinta iyo hab-maamulka dakhliga laga helo khayraadka iyo adeegyada xeebaha.
Kulanka waxaa furay Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Cabdiqaadir Axmed Xaashi, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.
Doodaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka ururinta dakhliga xeebaha, loo kordhin lahaa hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, isla markaana loo xaqiijin lahaa in dakhliga ka soo baxa khayraadka iyo adeegyada xeebaha si nidaamsan ugu soo xaroodo khasnadda Puntland.
Xeebaha Puntland waxay leeyihiin fursado dhaqaale oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kalluumaysiga, ganacsiga badda, adeegyada dekedaha iyo hawlaha kale ee la xiriira dhaqaalaha badda.