Garoowe (Dawan)– Dowlad-goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ciidamadeeda badda ee PMPF ay saaka hawlgal ka dhacay agagaarka xeebaha gobolka Mudug ku soo furteen markabka shidaalka qaada ee MT SIBU 1 iyo shaqaalihii saarnaa, kaas oo gacanta ugu jiray koox burcad-badeed ah tan iyo 20 Agoosto 2026.
Telefishinka Puntland, oo soo xigtay saraakiisha ciidamada badda, ayaa sheegay in hawlgalka lagu qabtay 15 qof oo ka tirsan kooxdii markabka haysatay. Sida uu telefishinku sheegay, hal qof oo kooxdaas ka tirsanaa ayaa dhintay, afar kalena waa dhaawacmeen; dhinaca ciidamada Puntland, hal askari ayaa dhaawacmay.
Qoraal ay maanta soo saareen, Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF waxay ku sheegeen in hawlgalka oo qorshaysnaa uu socday 48 saacadood, isla markaana ay gacanta ku dhigeen dhammaan kooxdii markabka haysatay. Ciidamadu waxay sidoo kale sheegeen inay xaqiijiyeen badqabka shaqaalaha markabka iyo hantidii saarnayd.