Boosaaso (Dawan)– Ciidanka Puntland ayaa sheegay inay si rasmi ah ula wareegeen taliskii iyo xaruntii ay deggenaayeen ciidamadii hore loogu yiqiinay PSF ee magaalada Boosaaso, iyagoo xusay in xaruntaasi ay hadda gacanta ugu jirto maamulka Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Booliska Puntland.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in la wareegidda xarunta Boosaaso ay daba socotay howlgal amni oo qorshaysnaa oo laga fuliyay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubeysan oo Puntland ay ku eedeysay inay khatar ku ahaayeen amniga iyo kala dambeynta.
Ciidanka ayaa sheegay in intii uu socday howlgalka Gaalkacyo la qabtay 101 eedeysane iyo 60 qof oo dhaawac ah, isla markaana lala wareegay hub, rasaas, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa xusay in agabka la qabtay ay ku jireen tuutayaal boolis, qalab amni iyo agab kale oo ay Puntland sheegtay inuu qayb ka ahaa deeq ay dowladda Shiinaha hore u siisay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.