Garoowe (Dawan) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay galeen “marxalad kala-guur ah,” iyada oo sabab uga dhigtay inay dhamaatay muddo-xileedka Madaxweynaha Federaalka iyo Labada Gole ee Golayaasha Baarlamaanka.
Go’aankan ayaa ka soo baxay shir Golaha wasiirada Puntland ay ku yeesheen maanta magaalada Garoowe, kaas oo uu guddoominayay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka.
Puntland oo soo xiganeysa qodobbada dastuurka ku-meel-gaarka ah, waxay xustay in muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay dhammaatay 15-ka May 2026, waxayna intaas ku dartay in aysan u aqoonsanayn inuu haysto sharciyad uu ku sii adeegsado awoodda xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


