Puntland, 02 November 2025(Dawan) – Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta daah-furay ololaha daaweynta iyo tallaalka xoolaha Puntland, kaas oo ay hirgelineyso Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Daaqa iyo Dhirta. Ololahan ayaa lagu tallaali doonaa 300,000 oo neef, oo ka mid ah 19 milyan oo puntland ku nool, iyadoo 3,600 oo qoys oo xoolo-dhaqato ah ay si toos ah uga faa’iideysan doonaan muddada uu socdo ololaha oo ah hal bil sida lagu sheegay telefashinka Dowlad goboleedka Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cusman Lugatoor , ayaa daah-furay ololaha Daaweynta Xoolaha Puntland.ayaa sheegay in caafimaadka xoolaha oo muhiim u yahay dhaqaalaha iyo nolosha bulshada reer Puntland, gaar ahaan xilligan ay jirto abaarta iyo roob yaraan saameysay qeybo badan oo dalka ka mid ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa sheegay in ololahan uu yahay mid ka duwan dadaalladii hore, maadaama xoolaha iyo bulshada xoolo-dhaqatada ay duruufo adag ku sugan yihiin, isla markaana loo baahan yahay in adeeggu gaaro dadka ugu nugul bulshada.
“Dhaqaatiirta howshaan qabaneyso waxaan kula dardaarmayaan in ay tagaan deegaanada fog fog isla markaana aysan ka soo tagin hal neef oo jiran, waxaan idinka rabnaa inaad laba jibaartaan shaqada aad qabaneysaan,” ayuu yiri Agaasimaha.
Agaasimaha ayaa intaas ku daray in xilligan uu yahay mid is-garab istaag loo baahan yahay, isla markaana kooxaha caafimaadka xoolaha laga doonayo inay gaaraan degaannada fog-fog si loo badbaadiyo xoolaha ku jira xilliga adag.
Munaasabadda daahfurka waxaa goob joog ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, dhakhaatiirta xoolaha, maamulka heer gobol iyo heer degmo, iyo marti sharaf kale.
Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Puntland, ololahan ayaa qeyb ka ah qorshaha Puntland ee ilaalinta iyo horumarinta xoolaha, taas oo lagu xoojinayo awoodda dhakhaatiirta xoolaha, kor u qaadista caafimaadka xoolaha, iyo ilaalinta dhaqaalaha xoolo-dhaqatada.

%2520Southwest_State_Security_AlShabaab_Defectors_Nov2025.jpg&w=3840&q=75)

