Soomaaliya, 19 Oktoober 2025 - Maamulka Puntland ayaa xukun ku riday rag isugu jira Soomaali iyo Ajaanib oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha Puntland.
Maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Bari ayaa Sabtidii xukunno ku ridday, kaddib dacwad ka soo baxday xafiiska xeer ilaalinta guud ee Puntland oo lagu soo oogay 18 eedaysane oo kala ah 15 Iiraaniyiin ah iyo saddex Soomaali ah.
Eedeymaha loo soo jeediyay ayaa waxaa ka mid ah musuq maasuq, khalkhal galin amniga Puntalnd, ku xad gudubka badda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah. Eedeysanayaasha ayaa 6-dii Oktoobar waxaa soo qabtay Waaxda Ilaalinta Canshuuraha ee Puntland.
Xukunnada Maxkamadda:
- Cabdulqadir Maxamed Faarax iyo Cumar Maxamed Axmed midkiiba waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan $2,000.
- Sadam Cabdi Guunyo Cade, oo goobta aan joogin, waxaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah iyo ganaax $5,000.
- Shanta iyo toban muwaadin ee reer Iiraan ah waxaa lagu ganaaxay $500 qofkiiba.
- Doonta ku lugta lahayd waxaa lagu ganaaxay $70,000 sidoo kale Puntland ayaa loo xukmiyey badeecadii saarneed iyo hub ay wateen ragga saarnaa.
- Maxkamaddu waxay qiratay in laba shaqaale ah oo ka tirsan doonta ay ku dhinteen howlgalkii, taasoo ay sheegeen in xilligaas ay baxsad ahaayeen, waxaana la faray hay’adaha inay la shaqeeyaan wakiilada Iiraan si loo fududeeyo dib u celintooda.
Maxkamaddu sidoo kale waxay xustay in eedeysanayaashu xaq u leeyihiin inay racfaan ka qaataan xukunka muddo 30 maalmood gudahood ah.
Kiiskan wuxuu qayb ka yahay dadaallada socda ee ay wadaan maamulka Puntland si loo dhaqan geliyo sharciga badaha, loo ilaaliyo biyaha dalka, loona yareeyo kalluumaysiga sharci darrada ah ee gobolka.



