Muqdisho (Dawan ) – Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in wada-hadal lagu xalliyo xiisadda sii kordhaysa ee u dhexeeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo ka digtay saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida dalka.
Qoraal lagu daabacay baraha bulshada, Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed.
“Khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada waa in lagu xalliyaa wada-hadal,” ayaa lagu yiri qoraalka.


