Jabuuti (Dawan)— Laba bangi oo ku yaalla Jabuuti ayaa maalgeliyay 40 goobood oo ganacsi oo loogu talagalay ganacsatada magaalada Cali Sabiix, kuwaas oo la qaybiyay Sabtidii, iyadoo hindisahan looga golleeyahay taageeridda ganacsiyada yaryar iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka. Goobaha ganacsiga waxaa maalgeliyay Salaam Bank iyo BCIMR Bank, iyadoo mid kasta uu maalgeliyay 20 goobood, sida lagu sheegay munaasabad qaybinta ah oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin heer gobol ah iyo wakiillo ganacsato.
Hindisahan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka deegaanka uu ku doonayo inuu ballaariyo fursadaha ganacsi, isla markaana uu dadka deegaanka uga caawiyo inay abuuraan ama horumariyaan ganacsiyadooda.
Fathia Idleh Doubad, oo madax ka ah dalladda ganacsatada gobolka, ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka ka faa’iideystay mashruuca ay markii hore ganacsiyadooda ka maamuli jireen guryahooda ama internetka. Waxay sheegtay in qoondaynta goobaha ganacsiga ay ku timid hannaan xulasho oo lagu qiimeeyay 92 codsi, kuwaas oo 40 ka mid ah loo xushay inay helaan goobaha la diyaariyay.
Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Cali Sabiix, Sharmarke Hassan Allaleh, ayaa sheegay in hindisaha looga golleeyahay in dadka deegaanka la siiyo fursado ay ku horumariyaan ganacsiyadooda, iyadoo la adeegsanayo hannaan qaybin oo hufan. Wuxuu sheegay in mashruucu qayb ka yahay dadaallo ballaaran oo lagu horumarinayo dhaqaalaha gobolka, isagoo intaas ku daray in maamulka deegaanka uu doonayo inuu sii wado hindisayaal la mid ah.