Gaarisa (Dawan) – Ganacsatada ku shaqeysata hareeraha Suuqa Mugdi ee magaalada Gaarisa ayaa cabasho rasmi ah u gudbiyay Golaha Deegaanka Gaarisa , iyagoo ka walaacsan lacag bille ah oo ay ku tilmaameen mid takoor iyo xad-dhaaf ah.
Ganacsatada ayaa Golaha u sheegay in laga qaado lacag dhan 3,000 oo shilin Kenya ah bishii, halka ganacsatada ku dhex ganacsata xayndaabka Suuqa Mugdi ay bixiyaan oo keliya 400 oo shilin Kenya ah bishii, iyada oo aysan jirin wax farqi ah oo u dhexeeya ganacsiyada labada qeyb.
Waxay sheegeen in lacagaha lagu soo rogay ay tahay mid aad u sarreysa, iyagoo xusay in ay sidoo kale bixiyaan waajibaadka sharciyeed ee laga rabo ganacsatada, gaar ahaan ruqsadda ganacsiga sannadlaha ah.
Ganacsatada ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay habka loo qeexay noocyada ganacsiyada ee ku jira Hindise-sharciyeedka Maaliyadda ee Dowladda Hoose ee Gaarisa , gaar ahaan qaybta guud , taas oo ay sheegeen inay ku jiraan ganacsiyo kala duwan oo aan isku nooc ahayn.
Waxay ku doodeen in kala soocidda guud ay keentay in ganacsatada qaarkood lagu soo rogo lacago ay u arkaan kuwo aan caddaalad ahayn oo aan waafaqsanayn nooca ganacsigooda.