Addis Ababa (Dawan) – Shan jaamacadood oo dowladeed oo Itoobiya ah ayaa saxiixay heshiis is-afgarad ah oo lagu dhisayo isbahaysi lagu horumarinayo cilmi-baarista, waxbarashada iyo horumar waara oo laga hirgeliyo deegaannada xoolo-dhaqatada iyo xoolo-dhaqato-beeralayda ee dalka Itoobiya
Guddoomiyayaasha Jaamacadaha Jigjiga, Samara, Borana, Gambella iyo Bonga ayaa heshiiska ku saxiixay munaasabad lagu qabtay Jaamacadda Jigjiga, sida lagu sheegay war-saxaafadeedyo ay jaamacaduhu soo saareen Talaadadii.
Iskaashigan cusub, oo loogu magac daray Isbahaysiga Jaamacadaha Deegaannada Xoolo-dhaqatada (PAUC), ayaa noqon doona madal lagu fuliyo cilmi-baaris wadajir ah, tababbarro heer sare ah, ka-qaybgal bulsho, wadahadal siyaasadeed iyo ururinta dhaqaale.
Jaamacaduhu waxay sheegeen in isbahaysigu diiradda saari doono horumarinta hab-nololeedka xoolo-dhaqatada, la-qabsiga isbeddelka cimilada, yareynta khataraha musiibooyinka, maamulka kheyraadka dabiiciga ah iyo horumarinta wax-soo-saarka xoolaha.
Qodobbada kale ee mudnaanta la siinayo waxaa ka mid ah nabad-dhisidda, daraasadaha deegaannada xuduudaha, aqoonta soo-jireenka ah, caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga iyo kor u qaadista ka-qaybgalka bulshada.