Garoowe, 8 Oktoobar 2025 — Afar xisbi siyaasadeed oo ka dhisan Puntland — IFIYE, MUSTAQBAL, MIDEEYE, iyo SINCAD — ayaa si wadajir ah u diiday heshiis dhawaan lagu kala saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo dhexmaray mas’uuliyiin ka kala socday Puntland iyo Somaliland.
Heshiiska, oo dhacay intii u dhaxeysay 4–5 Oktoobar 2025, ayaa diiradda saarayey iskaashi dhinaca amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Ceerigaabo sida lagu sheegay qoraalka ay isla soo saareen labada dhinac.
Bayaan ay soo saareen kadib kulan degdeg ah oo ay ku yeesheen magaalada Garoowe Talaadadii, ayey xisbiyadu sheegeen in heshiiskaasi uu “u adeegayo ajandayaasha gooni-u-goosadka,” isla markaana uu “wax u dhimayo midnimada qaranka Soomaaliyeed.”







