Boocame (Dawan) — Maamulka Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay degmada Boocame ee gobolka Sool qalab biya-sifeyn iyo maceyn isku jira oo soo saaraya biyo nadiif ah, kaas oo ay ku deeqday hay’adda Oxfam. Mashruucan ayaa qayb ka ah qorshaha gobolka ee la dagaalanka biyo la’aanta iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa ka qayb galay xildhibaano, madaxda gobolka, mas’uuliyiinta degmada, iyo xubno ka socday Oxfam. Guddoomiyaha degmada, Mahdi Rashaad, ayaa sheegay in mashruucu yahay tallaabo muhiim ah oo dhinaca horumarinta iyo ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee deegaanka.
"Waan u mahadcelineynaa, waxaana balan qaadeynaa inaanu ilaalino oo sidi loogu tala galay uga fa’ideysano” ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Boocame Mahdi Rashaad.





