Muqdisho (Dawan) — Marka Bukaanka laga soo saaro Isbitaalka mar walbo ma aha dhammaadka daaweynta. Bukaano badan ayaa qalliinka ama ICU-da ka soo baxa iyagoo weli la tacaalaya inay istaagaan, socdaan ama si madax-bannaan u qabtaan hawlahoodii maalinlaha ahaa. Halkaas ayay ka bilaabataa marxalad kale oo muhiim ah: soo-kabashada.
Baahidaas caafimaad oo xalkeeda horay raadis loogu jiray ayay Rayhan Rehab & Wellness Centre, xarun cusub Muqdisho ka furtay 17 September. Xaruntu waxay bukaanka ka caawinaysaa inuu ka gudbo sariirta isbitaalka una tallaabo nolol uu dib ugu maamulan karo dhaqdhaqaaqiisa.
Rayhan waxay bixisaa daaweynta jimicsiga iyo adeegyada soo-kabashada dadka qaba dhabar-xanuunka, dhaawacyada murqaha iyo kala-goysyada, curyaannimada iyo dhibaatooyinka kale ee xaddida dhaqdhaqaaqa qofka.
Maamulaha Guud ee Rayhan Rehab & Wellness Centre, Cabdulqaadir Axmed Cusmaan, ayaa sheegay in adeegga xaruntu uusan ku koobnayn bukaannada awooda inay yimaadaan xafiisyadeeda. Shaqaalaha Rayhan waxay sidoo kale gaari karaan bukaannada ku jira isbitaallada ay xaruntu wada-shaqeynta leeyihiin, kuwa guryahooda jooga iyo dadka ka soo baxaya qaybta daryeelka degdegga ah ee ICU-da.
“Bukaanka qaar xarunta ayay noogu yimaadaan, halka kuwa kale aan ugu tagno isbitaallada aan wada-shaqeynta leenahay. Waxaan sidoo kale adeegnaa bukaannada ka soo baxaya ICU-da iyo kuwa xaaladdoodu aysan u saamaxayn inay xarunta yimaadaan,” ayuu yiri Cabdulqaadir.