Muqdisho (Dawan) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shalay geeyay agabka diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada Qansax Dheere ee gobolka Bay, si ay uga qayb qaataan diiwaangelinta doorashada qaranka. Agabkan ayaa waxaa ka mid ah kaararka codbixinta iyo qalabka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan degmadan.
Axmed Maxamed Axmed, wakiilka Guddiga Doorashooyinka ee degmada Qansax Dheere, ayaa u sheegay warbaahinta in tababar la siin doono shaqaalaha iyo guddiga diiwaangelinta ee degmada, si loo hubiyo in hawsha diiwaangelintu ay si habsami leh u socoto.
“Dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka waxay ku saabsan yihiin xaqiijinta in dhammaan codbixiyeyaasha degmada Qansax Dheere ay si fudud ugu diiwaangashaan doorashada,” ayuu yiri Axmed.


