Soomaaliya, 19 Febraayo 2026 (Dawan)- Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa caawa oo Khamiis ah soo dhoweeyay furitaanka wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo isbahaysiga mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo dhinacyada lagu booriyey inay ku shaqeeyaan "niyad wanaag" xilli doorashooyinka qaranka ay soo dhow yihiin.
Hawlgalka Kaalmo-siinta Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa sheegay in kulanka Muqdisho dhex maray Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka uu ahaa tallaabo wax ku ool ah oo loo qaaday dhinaca xallinta ismari-waaga daba dheeraaday ee doorashooyinka.
"Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhinacyada inay sii xoojiyaan wadahadalka iyo is-afgaradka mustaqbalka, iyagoo ku shaqeynaya niyad-wanaag, wada-jir iyo waqti ku habboon," ayaa lagu yiri qoraal ay ergadu soo dhigtay baraha bulshada.








