Muqdisho (Dawan ) – Hay’adda Qadar Charity iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SODMA) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto-qaybin ah, kaas oo lagu caawinayo ilaa 6,000 oo qoys oo danyar ah oo ay saameeyeen abaaraha ba’an ee dalka ka jira, gaar ahaan bulshada nugul ee ku nool Gobolka Banaadir.
Daah-furka mashruucan ayaa ka dhacay xarunta Barbaarinta Agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Muqdisho, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socday Qadar Charity, SODMA iyo Safaaradda Dowladda Qadar ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Qadar Charity, Cabdifitaax Aadan Macallin, ayaa sheegay in mashruucan uu si gaar ah u taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo xusay in sanadkan gargaar cunto ah la gaarsiin doono ilaa 6,000 oo qoys oo ku nool Gobolka Banaadir.
“Bisha Ramadaan, hay’adda Qadar Charity iyo Safaaradda Qadar waxay sanad walba sameeyaan gurmad lagu gaarsiinayo dadka sooman ee u baahan taageero. Sanadkan, gargaarka wuxuu gaari doonaa ilaa 6,000 oo qoys oo ku nool Gobolka Banaadir iyo meelo kale oo Soomaaliya ah,” ayuu yiri.







